Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 90:1-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbiyow, tan iyo ka ab ka ab Adigu waxaad noo ahayd meesha aannu degganaanno.

2. Intaan buuruhu dhalan ka hor, Iyo intaanad samayn dhulka iyo dunida, Iyo xataa weligeed iyo weligeedba adigu waxaad tahay Ilaah.

3. Dadka waxaad ku soo celisaa baabba', Oo waxaad ku tidhaahdaa, Noqda, binu-aadmigow.

4. Waayo, kun sannadood waxay hortaada ku yihiin Sida shalay oo kale markay dhammaadaan. Oo waxay la mid yihiin sida wakhti la soo jeedo oo habeennimo.

5. Waxaad iyaga u qaaddaa sida daadku wax u qaado, oo iyagu waxa weeye sida hurdo oo kale, Oo subaxdana waxay u baxaan sida doog oo kale.

6. Subaxda way cagaaraan, wayna soo baxaan, Oo fiidkana waa la jaraa, wayna engegaan.

7. Waayo, annagu cadhadaadii baannu ku baabba'nay, Oo waxaan ku dhibtoonnay xanaaqaagii.

8. Xumaatooyinkayagii waxaad dhigtay hortaada, Oo dembiyadayadii qarsoonaana waxaad dhigtay iftiinka wejigaaga.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 90