Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 83:8-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Oo xataa reer Ashuurna way ku darsameen, Oo waxay kaalmeeyeen ilma Luud. (Selaah)

9. Iyaga ku samee wixii aad ku samaysay reer Midyaan, Iyo Siiseraa iyo Yaabiin markii ay ag joogeen Webi Qiishoon,

10. Waxay ku halligmeen Ceyn Door, Oo waxay dhulka u noqdeen digo.

11. Nimankooda gobta ah oo dhan waxaad ka dhigtaa sida Cooreeb iyo Se'eeb, Oo amiirradooda oo dhanna sida Sebah iyo Salmunnac,

12. Kuwaas oo isyidhi, War aan iska qaadanno oo hantinno Ilaah degmooyinkiisa.

13. Ilaahayow, iyaga ka dhig sida boodhka warwareega, Iyo sida xaab dabaysha ka horreeya,

14. Sida dabka duurka guba, Iyo sida ololka buuraha huriya,

15. Sidaasoo kale iyaga duufaankaaga ku eri, Hufadaadana ku cabsii.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 83