Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 83:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ilaahow, shib ha odhan, Oo ha aamusin, afkana ha haysan, Ilaahow.

2. Waayo, bal eeg, cadaawayaashaadu way buuqaan, Oo kuwii ku nebcaana madaxay kor u qaadeen.

3. Dadkaagay xeelad ugu tashadaan, Oo waxay dhammaantood u arrinsadaan kuwaad qarisay.

4. Waxay isku yidhaahdeen, Kaalaya, aan baabbi'innee, yaanay mar dambe quruun ahaanine. Si aan magaca Israa'iil dib loogu soo xusuusan.

5. Waayo, iyagoo isku waafaqsan ayay ku arrinsadeen, Oo axdi kaa gees ah ayay isla dhigtaan,

6. Teendhooyinkii reer Edom iyo reer Ismaaciil, Iyo reer Moo'aab iyo reer Hagariim,

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 83