Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 80:9-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Meel baad hortiisa ku diyaarisay, Oo wuxuu yeeshay xididdo dhaadheer, kolkaasuu dhulkii buuxiyey.

10. Oo buurihii waxaa qariyey hooskiisii, Oo laamihiisiina waxay noqdeen sidii geedaha la yidhaahdo kedar oo Ilaah.

11. Laamihiisii wuxuu gaadhsiiyey tan iyo badda, Dhudihiisiina waxay gaadheen tan iyo Webiga.

12. Bal maxaad deyrkiisii u dumisay Si ay kuwa jidka maraa oo dhammu u goostaan?

13. Waxaa kharriba doofaarka kaynta, Oo waxaa iska daaqda ugaadha duurka.

14. Ilaaha ciidammadow, waannu ku baryaynaaye noo soo noqo, Samada hoos nooga soo fiiri oo intaad soo eegtid, geedkan canabka ah soo booqo,

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 80