Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 8:2-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga, Waana cadaawayaashaada daraaddood, Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.

3. Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey, Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,

4. Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?

5. Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha, Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.

6. Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga, Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,

7. Idaha iyo lo'da oo dhan, Iyo xayawaanka duurka joogaba,

8. Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda, Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.

9. Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 8