Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 79:8-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Ha noo xusuusnaan dembiyadii awowayaashayo, Naxariistaadu dhaqsiyo ha noogu timaado, Waayo, aad baa lanoo dhibay.

9. Ilaaha badbaadadayadow, magacaaga ammaantiisa daraaddeed noo caawi, Oo magacaaga daraaddiis noo samatabbixi, oo dembiyadayada naga nadiifi.

10. Bal maxaa quruumuhu u leeyihiin, Ilaahoodu meeh? Dhiiggii addoommadaada oo ay daadiyeen aargoosashadiisii Ha lagu ogaado quruumaha dhexdooda annagoo arkayna.

11. Maxbuuska taahiisu hortaada ha yimaado, Xooggaaga weynaantiisa ku badbaadi kuwa dhimashada lagu xukumay.

12. Sayidow, derisyadayada toddoba jibbaar ugu abaalmari, Oo laabta u geli caydii ay kugu caayeen.

13. Haddaba annagoo ah dadkaaga iyo idihii daaqsintaada Waannu kugu mahadnaqaynaa weligayo, Oo ammaantaada waannu ka sheekaysan doonnaa tan iyo ka ab ka ab.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 79