Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 78:42-53 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

42. Sooma ay xusuusan gacantiisii, Iyo maalintii uu iyaga ka soo furtay cadowga toona,

43. Iyo xataa siduu calaamooyinkiisii Masar ugu dhex sameeyey, Yaababkiisiina berrinkii Socan.

44. Iyo siduu webiyaashoodii dhiigga ugu beddelay, Durdurradoodiina, si aanay waxba uga cabbi karin.

45. Wuxuu ku soo dhex daayay duqsiyo badan, wayna cuneen, Iyo xataa rahyo, oo iyana way baabbi'iyeen.

46. Oo weliba wixii u baxay wuxuu siiyey diir, Oo waxay ku hawshoodeenna wuxuu siiyey ayax.

47. Geedcanabkoodii wuxuu ku baabbi'iyey roobdhagaxyaale, Oo dhirtoodii darayga ahaydna wuxuu ku baabbi'iyey sayax barafoobay.

48. Xoolahoodii wuxuu ku soo daayay roobdhagaxyaalaha, Adhyahoodiina danabyo kulul.

49. Oo wuxuu ku soo daayay kulaylkii cadhadiisa, Iyo xanaaq, iyo dhirif, iyo dhib, Iyo guuto ah malaa'igo shar ah.

50. Isagu cadhadiisii wadduu u sameeyey, Oo naftoodiina dhimasho ugama uu lexejeclaan, Laakiinse noloshoodii wuxuu u daayay belaayada,

51. Oo wuxuu dalkii Masar ku laayay curadyadii oo dhan, Kuwaas oo ahaa xooggoodii u horreeyey oo uu ku dhex laayay teendhooyinkii Xaam,

52. Laakiinse isagu dadkiisii sidii ido oo kale ayuu u hor kacay, Oo cidladuu ku dhex hoggaamiyey iyaga sidii adhi oo kale.

53. Oo ammaan buu ku hoggaamiyey, si aanay u baqin, Laakiinse cadaawayaashoodii baddaa qarqisay.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 78