Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 74:6-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Haddaba shuqulkiisii la qoray oo dhan Waxay ku wada dumiyaan gudmo iyo dubbayaal.

7. Meeshaada quduuska ah dab bay ku dhejiyeen, Oo waxay wada nijaaseeyeen meeshii magacaaga hoyga u ahayd.

8. Waxay qalbigooda iska yidhaahdeen, Kaalaya aan dhammaantood baabbi'innee, Waxay wada gubeen sunagogyadii Ilaah oo dalka ku dhex yiil oo dhan.

9. Annagu calaamadahayagii ma aragno, Oo innaba mar dambe nebi ma jiro, Dhexdayadana ma joogo mid garanaya ilaa goorma.

10. Ilaahow, ilaa goormaa cadowgu caytamayaa? Cadowgu miyuu magacaaga caayayaa weligiisba?

11. Bal maxaad gacantaada midig dib ugu celisaa? Laabtaada ka soo bixi oo iyaga baabbi'i.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 74