Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 73:14-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

14. Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay, Oo subax kastana waa lay edbinayay.

15. Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa, Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.

16. Markaan ku fikiray si aan tan ku ogaado, Aad bay iigu xanuun badnayd,

17. Ilaa aan galay meesha quduuska ah ee Ilaah, Oo aan ka fiirsaday ugudambaystooda.

18. Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah, Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baabba'aan.

19. Sidee bay daqiiqad ugu noqdeen meel cidla ah! Dhammaantood waxay ku baabba'een cabsi.

20. Sayidow, sidii mid riyo ka toosay Markaad toostid, waxaad quudhsan doontaa ekaantooda.

21. Waayo, qalbigaygu wuu murugooday, Oo waxaa layga muday kelyaha,

22. Waxaan ahaa doqon iyo jaahil, Oo hortaada waxaan ku ahaa sidii xoolo oo kale.

23. Habase yeeshee had iyo goorba waan kula joogaa, Oo waxaad i qabatay gacanta midig.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 73