Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 72:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ilaahow, boqorka xukummadaada sii, Oo wiilka boqorkana xaqnimadaada sii.

2. Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo, Oo masaakiintaadana caddaalad.

3. Buuruhu waxay dadka u keeni doonaan nabad, Kuruhuna waxay nabad ugu keeni doonaan xaqnimada.

4. Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa, Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa, Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa.

5. Way kaa cabsan doonaan inta qorraxdu jirto, Iyo inta dayaxu jiro tan iyo ka ab ka ab.

6. Isagu wuxuu u soo degi doonaa sida roob caws la jaray ku dul hoora, Iyo sida tiixyo dhulka biyeeya.

7. Wakhtigiisa ayaa kan xaqa ahu barwaaqoobi doonaa, Oo nabadduna way badan doontaa tan iyo inta dayaxu aanu mar dambe jiri doonin.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 72