Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 69:24-33 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

24. Xanaaqaaga iyaga ku deji, Oo cadhadaada kulaylkeeduna ha qabsado.

25. Gurigoodu cidla ha noqdo, Ninnana yaanu teendhooyinkooda degin,

26. Waayo, iyagu waxay silciyaan kii aad dishay, Oo waxay ka sheekeeyaan kuwaad dhaawacday murugtooda.

27. Xumaantooda xumaan ugu sii dar, Oo yaanay xaqnimadaada soo gelin.

28. Magacooda ha laga tirtiro kitaabka kuwa nool, Oo yaan iyaga lala qorin kuwa xaqa ah.

29. Laakiinse anigu miskiin baan ahay, waanan murug badnahay, Ilaahow, badbaadintaadu meel sare ha i saarto.

30. Rabbiga magiciisa ayaan gabay ku ammaani doonaa, Oo waxaan isaga ku weynayn doonaa mahadnaqid.

31. Oo taasuna Rabbiga way ka farxin doontaa in ka sii wanaagsan intii uu ku farxi lahaa dibi, Ama dibi sange ah oo geeso iyo qoobab leh.

32. Kuwa camal qabow way arkeen, waana faraxsan yihiin, Kuwiinna Ilaah doondoonow, qalbigiinnu ha noolaado.

33. Waayo, Rabbigu wuu maqlaa kuwa baahan, Oo maxaabiistiisana ma uu quudhsado.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 69