Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 63:6-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Kolkaan sariirtayda kugu soo xusuusto Oo aan kaa fikiro habeenka markaan soo jeedo.

7. Waayo, waxaad ii ahayd caawimaad, Oo hooska baalashaada ayaan ku rayrayn doonaa.

8. Naftaydu adigay ku raacdaa, Oo gacantaada midigna way i tiirisaa. (Selaah)

9. Laakiinse kuwa naftayda u doondoonaya inay halligaan aawadeed, Waxay geli doonaan dhulka meelaha ugu hooseeya.

10. Waxaa iyaga loo gacangelin doonaa xoogga seefta, Oo waxay qayb u noqon doonaan dawacooyinka.

11. Laakiinse boqorku wuxuu ku rayrayn doonaa Ilaah, Mid kasta oo isaga ku dhaartaa wuu faani doonaa, Waayo, kuwa beenta sheega afkooda waa la aamusiin doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 63