Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 62:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Naftaydu waxay sugtaa Ilaah oo keliya, Oo badbaadadayduna waxay ka timaadaa xaggiisa.

2. Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.

3. Balse idinku ilaa goormaad nin ku weeraraysaan, Inaad kulligiin isaga dumisaan, Sida derbi dhacaya, iyo deyr ligliganaya?

4. Iyagu waxay keliyahoo ku tashadaan si ay isaga sharaftiisa uga dejiyaan, Oo waxay ku farxaan beensheegidda, Afka way ka duceeyaan, laakiinse uurka way ka habaartamaan. (Selaah)

5. Naftaydoy, Ilaah oo qudha sug, Waayo, isagaan wax ka filanayaa.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 62