Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 59:8-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Laakiinse Rabbiyow, iyagaad ku qosli doontaa, Quruumaha oo dhan waad quudhsan doontaa.

9. Xooggaygiiyow, adigaan ku sugi doonaa, Waayo, Ilaah waa qalcaddayda.

10. Ilaahayga naxariista leh ayaa i hor iman doona, Oo waxaan doonayana Ilaah wuxuu iga tusi doonaa cadaawayaashayda.

11. Sayidow, gaashaankayagiiyow, Iyaga ha layn, waaba intaasoo ay dadkaygu illoobaane, Laakiinse iyaga xooggaaga ku kala firdhi, oo hoos u soo deji.

12. Kibirkoodu iyaga ha dabo Dembiga afkooda iyo erayada bushimahooda aawadood, Iyo weliba habaarka iyo beenta ay ku hadlaan aawadood.

13. Iyaga cadho ku baabbi'i, si aanay mar dambe u jirin iyaga baabbi'i, Oo ha ogaadeen in Ilaah u taliyo reer Yacquub Tan iyo dhulka darafkiisa. (Selaah)

14. Oo iyagu fiidka ha soo noqdeen, oo sida eey oo kale ha u ciyeen, Oo magaalada hareeraheeda ha ku warwareegeen.

15. Waxay u warwareegayaan inay cunto helaan, Oo haddaanay dherginna habeenkii oo dhan way sii joogayaan.

16. Laakiinse anigu waxaan ka gabyi doonaa xooggaaga, Haah, oo aroortii ayaan naxariistaada aad uga gabyi doonaa, Waayo, waxaad ahayd qalcaddaydii, Oo maalintii aan dhibaataysnaana magangal baad ii ahayd.

17. Xooggaygiiyow, adigaan ammaan kuugu gabyi doonaa, Waayo, Ilaah waa qalcaddayda, waana Ilaaha naxariistayda.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 59