Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 51:13-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Oo markaas kuwa xadgudba jidkaagaan bari doonaa, Oo dembilayaashuna adigay kuu soo noqon doonaan.

14. Ilaahow, Ilaaha badbaadadaydow, dhiiggelidda iga samatabbixi, Markaasaa carrabkaygu wuxuu aad uga gabyi doonaa xaqnimadaada.

15. Sayidow, bushimahayga fur, Oo afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaantaada.

16. Waayo, adigu kuma faraxdid allabari, haddii kalese waan bixin lahaa, Qurbaan gubanna kuma cajebiyo.

17. Allabaryada Ilaah waa ruux is-hoosaysiintiisa, Ilaahow, adigu quudhsan maysid qalbi hoosaysan oo qoomamaysan.

18. Siyoon wanaag ugu samee sidaad doonayso, Oo Yeruusaalem derbiyadeedana dhis.

19. Oo markaas adigu waxaad ku farxi doontaa allabaryada xaqnimada iyo qurbaan guban, iyo allabari wada guban dhammaantiis, Oo markaasay dibiyo ku dul bixin doonaan meeshaada allabariga.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 51