Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 50:4-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare, Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed.

5. Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya, Kuwii axdi igula dhigtay allabari.

6. Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona, Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)

7. Dadkaygiiyow, i maqla, oo anna waan hadli doonaa, Israa'iilow, i maqal oo anna waan kuu markhaati furi doonaa, Anigu waxaan ahay Ilaah, oo ah Ilaahaaga.

8. Anigu kugu canaanan maayo allabaryadaada, Oo qurbaannadaada gubanu had iyo goorba hortayday yaalliin.

9. Reerkaaga dibi ka qaadan maayo, Xerooyinkaagana orgi kala bixi maayo.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 50