Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 42:1-3 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo, Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow.

2. Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool. Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa?

3. Habeen iyo maalinba waxaa cunto ii noqday ilmadaydii, Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 42