Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 39:5-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha, Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash. (Selaah)

6. Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah, Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah, Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.

7. Haddaba Sayidow, bal maxaan sugaa? Waayo, rajadaydu adigay kugu xidhan tahay.

8. Xadgudubyadayda oo dhan iga samatabbixi, Oo ha iga dhigin mid nacasyadu caayaan.

9. Anigu waan carrab la'aa, oo afkaygana ma aan kala qaadin, Maxaa yeelay, sidaasaad yeeshay.

10. Haddaba belaayadaada iga durki, Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.

11. Markaad dadka canaanta ku edbisid xumaanta daraaddeed, Waxaad quruxdiisa ka dhigtaa inay u baabba'do sidii balanbaallis oo kale, Hubaal nin kastaaba waa bilaash. (Selaah)

12. Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig, Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin, Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.

13. Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee, Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 39