Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 39:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Waxaan idhi, Jidadkaygaan iska jiri doonaa, Si aanan carrabkayga ugu dembaabin, Oo afkayga waxaan ku qaban doonaa xakame inta kii shar lahu i hor joogo.

2. Waan carrab beelay oo shib baan iska idhi, oo waan ka aamusay xataa wixii wanaagsanaa, Tiiraanyadaydiina waa kacday.

3. Qalbigaygu uurkayguu ku kululaaday, Oo intii aan fikirayay ayaa dabkii shidmay, Markaasaan carrabkaygii ku hadlay, oo idhi,

4. Rabbiyow, i ogaysii ugu dambaystayda Iyo cimrigayga dhererkiisu intuu yahay, Oo i ogaysii inta tabardarradaydu tahay.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 39