Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 37:8-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Cadhada ka joogso, oo dhirifka ka tag, Hana isku dhibin inaad shar samaysid.

9. Waayo, xumaanfalayaashu way go'i doonaan, Laakiinse kuwa Rabbiga sugaa dalkay dhaxli doonaan.

10. Wakhti yar dabadeedna kan sharka lahu ma jiri doono, Bal meeshiisa aad baad ugu fiirsan doontaa, oo isna ma jiri doono.

11. Laakiinse kuwa camalka qabow dalkay dhaxli doonaan, Oo waxay ku farxi doonaan nabad badan.

12. Kan sharka lahu wuxuu shirqool u dhigaa kan xaqa ah, Oo isaga ayuu u ilko jirriqsadaa.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 37