Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 37:28-36 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

28. Waayo, Rabbigu wuxuu jecel yahay caddaaladda, Mana uu dayrsho quduusiintiisa, Laakiinse iyaga weligoodba waa la ilaashaa, Illowse kuwa sharka leh carruurtoodu way go'i doonaan.

29. Kuwa xaqa ahu dalkay dhaxli doonaan, Oo weligoodna way dhex degganaan doonaan.

30. Kan xaqa ah afkiisu wuxuu ka hadlaa xigmadda, Carrabkiisuna wuxuu ku hadlaa caddaaladda.

31. Oo Ilaahiisa sharcigiisu waa ku jiraa qalbigiisa, Oo tallaabooyinkiisana midnaba dib uma simbiriirixan doonto.

32. Kan sharka lahu wuxuu fiiriyaa kan xaqa ah, Oo wuxuu doondoonaa inuu isaga dilo.

33. Rabbigu isaga gacantiisa ku dayn maayo, Oo eedayn maayo marka la xukumo isaga.

34. Rabbiga sug, oo jidkiisa xaji, Oo wuxuu kuu sara marin doonaa inaad dalka dhaxasho, Waad arki doontaa marka kuwa sharka lahu go'aan.

35. Waxaan arkay ku shar leh oo dulun badan, Oo isu kala bixiya sida geed cagaar ah oo dhulkiisii ka baxay.

36. Laakiin waa la ag maray, oo isagii lama arag, Oo waan doondoonay, laakiinse waa la waayay.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 37