Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 37:22-31 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

22. Oo kuwuu barakeeyo ayaa dalka dhaxli doona, Laakiinse kuwuu habaaraa way go'i doonaan.

23. Dadka socodkiisa waxaa hagaajiya Rabbiga, Oo jidkiisuu ku farxaa.

24. Oo in kastoo uu kufo, haddana ma wada dhici doono, Waayo, Rabbiga ayaa gacantiisa ku tiiriya.

25. Waan dhallin yaraan jiray, oo haatanna waan gaboobay, Oo weligay ma arag mid xaq ah oo la dayriyey, Ama carruurtiisa oo cunto tuugsanaysa.

26. Maalinta oo dhan wuu naxariistaa oo wax buu amaahiyaa, Oo carruurtiisuna way barakaysan yihiin.

27. Sharka ka fogow, oo wanaag samee, Oo weligaa baad degganaan doontaa.

28. Waayo, Rabbigu wuxuu jecel yahay caddaaladda, Mana uu dayrsho quduusiintiisa, Laakiinse iyaga weligoodba waa la ilaashaa, Illowse kuwa sharka leh carruurtoodu way go'i doonaan.

29. Kuwa xaqa ahu dalkay dhaxli doonaan, Oo weligoodna way dhex degganaan doonaan.

30. Kan xaqa ah afkiisu wuxuu ka hadlaa xigmadda, Carrabkiisuna wuxuu ku hadlaa caddaaladda.

31. Oo Ilaahiisa sharcigiisu waa ku jiraa qalbigiisa, Oo tallaabooyinkiisana midnaba dib uma simbiriirixan doonto.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 37