Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 37:1-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ha isku dhibin xumaanfalayaasha aawadood, Hana uga hinaasin kuwa xaqdarrada sameeya.

2. Waayo, iyaga haddiiba waxaa loo jari doonaa sida cawska oo kale, Oo waxay u engegi doonaan sida geedo yaryar oo qoyan.

3. Rabbiga isku hallee oo wanaag samee, Oo sidaasaad dalka ku degganaan doontaa, oo ammaan baad ku daaqi doontaa.

4. Haddaba Rabbiga ku farax, Oo wuxuu ku siin doonaa waxa qalbigaagu doonayo.

5. Jidkaaga Rabbiga ku aamin, Isagana isku hallee, wuuna samaynayaaye.

6. Xaqnimadaada wuxuu u soo bixin doonaa sida nuurka oo kale, Gartaadana sida duhurka oo kale.

7. Rabbiga ku hor xasilloonow, oo isaga samir ku sug, Oo ha isku dhibin kii jidkiisa ku barwaaqaysan Iyo ninkii hindisooyin shar ah sameeya toona.

8. Cadhada ka joogso, oo dhirifka ka tag, Hana isku dhibin inaad shar samaysid.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 37