Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 36:7-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa! Oo binu-aadmiguna wuxuu magangalaa hooska baalashaada.

8. Aad bay uga dhergi doonaan barwaaqada gurigaaga, Oo waxaad iyaga ka waraabin doontaa webiga farxaddaada.

9. Waayo, isha noloshu aday kula jirtaa, Oo iftiinkaagaannu iftiin ku aragnaa.

10. Raxmaddaada ugu sii wad kuwa ku yaqaan, Oo xaqnimadaadana kuwa qalbigoodu qumman yahay.

11. Cagta kuwa kibirsan yaanay ii iman, Oo kuwa sharka leh gacantooduna yaanay i eryin.

12. Xumaanfalayaashu halkaasay ku dhaceen, Iyaga hoos baa loo riday, oo mana ay kari doonaan inay mar dambe soo kacaan.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 36