Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 33:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku reyreeya, Waayo, kuwa qumman ammaan baa u habboon.

2. Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad, Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.

3. Gabay cusub isaga ugu gabya, Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.

4. Waayo, Rabbiga eraygiisu waa toosan yahay, Oo shuqulkiisa oo dhanna waxaa lagu sameeyey aaminnimo.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 33