Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 30:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay, Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan.

2. Rabbiyow, Ilaahayow, Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.

3. Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool, Oo waad i sii noolaysay si aanan yamayska ugu dhicin.

4. Quduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya, Oo mahad ku naqa magiciisa quduuska ah.

5. Waayo, cadhadiisu waa daqiiqad keliya, Laakiinse raallinimadiisu waa cimriga, Habeenka waxaa jirta oohin, Laakiinse aroorta farxad baa timaada.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 30