Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 26:6-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta, Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,

7. Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo, Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.

8. Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay, Iyo meesha ammaantaadu joogto.

9. Naftayda ha la ururin dembilayaal, Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,

10. Gacmahooda belaayadu ku jirto, Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.

11. Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda, Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 26