Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 26:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda, Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.

2. Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi, Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh.

3. Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda, Oo waxaan ku socday runtaada.

4. Lama aan fadhiisan waxmatarayaal, Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo.

5. Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha, Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo.

6. Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta, Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 26