Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 25:15-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Weligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga, Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka.

16. Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.

17. Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen, Cidhiidhigayga iga bixi.

18. Bal fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga, Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi.

19. Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin, Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.

20. Naftayda dhawr, oo i samatabbixi, Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa.

21. Daacadnimo iyo qummanaanu ha i dhawreen, Waayo, adaan ku sugaa.

22. Ilaahow, reer binu Israa'iil ka samatabbixi Dhibaatooyinkooda oo dhan.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 25