Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 25:1-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.

2. Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey, Haddaba yaanan ceeboobin, Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.

3. Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo, Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla'aan.

4. Rabbiyow, jidadkaaga i tus, Oo waddooyinkaagana i bar.

5. Runtaada igu hoggaami, oo i bar, Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda, Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.

6. Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada, Waayo, weligoodba way jireen.

7. Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii, Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay, Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.

8. Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay, Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 25