Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 2:3-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Silsiladahooda aan gooyno Oo xadhkahoodana aan iska fogayno.

4. Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa, Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa.

5. Markaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa, Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh,

6. Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.

7. Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, Maantaan ku dhalay.

8. I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha, Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa.

9. Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah, Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.

10. Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha, Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 2