Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 18:1-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbiyow, xooggaygiiyow, anigu waan ku jeclahay.

2. Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa, Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.

3. Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano, Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.

4. Waxaa i hareereeyey xadhkihii dhimashada, Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadala'aanta.

5. Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool, Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada.

6. Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay, Oo waxaan u qayshaday Ilaahay, Isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay, Oo qayladayda hortiisa ka yeedhaysaana dhegihiisay gashay.

7. Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray, Oo buuraha aasaaskoodiina wuu dhaqdhaqaaqay, Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.

8. Dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq, Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya, oo dhuxulaa ka shidmay isaga.

9. Oo weliba samooyinka wuu soo foorarshay, oo hoos buu u soo degay, Oo cagihiisana waxaa hoos yiil gudcur weyn.

10. Oo wuxuu fuulay keruub, wuuna duulay, Haah, oo wuxuu si dheeraysa ugu duulay oo fuulay dabaysha baalasheeda.

11. Wuxuu gudcurka ka dhigtay meeshiisii dhuumashada, iyo taambuuggiisa hareerihiisa ku wareegsan, Iyo biyo gudcur ah, iyo daruuraha qarada waaweyn oo cirka.

12. Nuurkii hortiisa yiil aawadiis ayay daruurihii qarada waaweynaa tageen, Roobkii dhagaxyada lahaa iyo dhuxulihii dabka ahaana way carareen.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 18