Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 145:12-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Si ay binu-aadmiga u ogeysiiyaan Ilaah falimihiisa waaweyn, Iyo ammaanta haybadda boqortooyadiisa.

13. Boqortooyadaadu waa boqortooyo daa'imis ah, Oo dawladnimadaaduna way sii waartaa tan iyo ab ka ab.

14. Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa kufa oo dhan, Oo wuxuu toosiyaa kuwa gota oo dhan.

15. Wax kasta indhahoodu adigay wax kaa sugayaan, Oo quudkoodana waad siisa xilligiisa.

16. Gacantaadaad furtaa, Oo waxaad dherjisaa wax kasta oo nool.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 145