Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 143:3-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Waayo, cadowgaa naftayda silciyey, Noloshaydiina dhulkuu ku tuuray, Oo wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego, sidii kuwii waagii hore dhintay.

4. Sidaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa, Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.

5. Waxaan soo xusuustaa wakhtigii hore, Falimahaaga oo dhanna waan ka fikiraa, Oo waxaan fiiro u yeeshaa shuqulkii gacmahaaga.

6. Gacmahaygaan kuu hoorsadaa, Oo naftaydu adigay kuu harraaddaa sida dhul oommane ah. (Selaah)

7. Rabbiyow, dhaqso iigu soo jawaab, waayo, naftaydu way itaal darnaataa. Wejigaaga ha iga qarin, Waaba intaasoo aan noqdaa sida kuwa godka ku dhaca oo kale.

8. Aroorta naxariistaada i maqashii, Waayo, adigaan isku kaa halleeyaa, I garansii sidii aan u socon lahaa, Waayo, naftaydaan kor kuugu qaadaa.

9. Rabbiyow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Waayo, adaan kugu soo cararaa inaad i qariso.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 143