Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 139:15-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Lafahaygu kaama qarsoonayn, Markii laygu sameeyey qarsoodiga, Oo farsamada yaabka leh laygu sameeyey dhulka meesha ugu hoosaysa.

16. Indhahaagu way i arkeen markaan uurjiifka ahaa, Oo xubnahaygu kitaabkaagay ku wada qornaayeen, Kuwaas oo maalin ka maalin la qabanqaabiyey Intaan midkoodna jirin ka hor.

17. Ilaahow, fikirradaadu ila qiimo badanaa! Oo tiro badanaa!

18. Haddaan tiriyo, way ka sii tiro badan yihiin ciidda, Oo markaan tooso weli adigaan kula joogaa.

19. Ilaahow, hubaal waxaad layn doontaa kuwa sharka leh, Haddaba iga taga, raggiinna dhiigyocabyada ahow.

20. Waayo, iyagu si xun ayay wax kaaga sheegaan, Oo cadaawayaashaaduna micnela'aan bay magacaaga ku soo qaadqaadaan.

21. Rabbiyow, sow ma aan nebci kuwa ku neceb? Oo sow kama aan murugaysni kuwa kugu kaca?

22. Nacayb dhan ayaan ku necbahay iyaga, Oo waxaan iyaga u haystaa cadaawayaashayda.

23. Ilaahow, i baadh, oo qalbigayga garo, I tijaabi, oo fikirradayda ogow,

24. Oo bal fiiri inuu jid xumaan ahu igu jiro iyo in kale, Oo igu hoggaami jidka weligiis ah.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 139