Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 139:1-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay.

2. Waad og tahay fadhiisashadayda iyo sara kiciddaydaba, Oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa.

3. Socodkayga iyo seexashadaydaba waad baadhaa, Oo jidadkayga oo dhanna waad wada taqaan.

4. Waayo, Rabbiyow, eray aanad aqoonu carrabkayga kuma jiro, Laakiinse adigu waad wada og tahay.

5. Adigu hor iyo dibba waad iga xidhay, Oo gacantaadaad i saartay.

6. Aqoontaas oo kale aad iyo aad bay iigu yaab badan tahay, Waa wax sare, oo anigu ma aan gaadhi karo.

7. Bal xaggee baan ruuxaaga ka tagaa? Xaggee baanse wejigaaga uga cararaa?

8. Haddaan samada koro, halkaasaad joogtaa, Haddaan sariirtayda She'ool dhex dhigtona, bal eeg, halkaasna waad joogtaa.

9. Haddaan qaato baalasha subaxda, Iyo haddaan dego badda darafyadeeda ugu shisheeyaba,

10. Xataa halkaas gacantaada ayaa i hoggaamin doonta, Oo midigtaada ayaa i soo qaban doonta.

11. Haddaan idhaahdo, Hubaal gudcurkaa i qarin doona, Oo iftiinka igu wareegsanu habeennimuu noqon doonaa,

12. Xataa gudcurku igama kaa qariyo, Laakiinse habeenku wuxuu u iftiimaa sida maalinta oo kale, Gudcurka iyo iftiinku waa isugu kaa mid.

13. Waayo, kelyahayga adigaa sameeyey, Oo adigaa igu daboolay maxalkii hooyaday.

14. Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waxaa la ii sameeyey si cabsi iyo yaab badan, Shuqulladaadu waa yaab badan yihiin, Oo naftayduna taas aad bay u taqaan.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 139