Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 136:7-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Kan sameeyey iftiimmo waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

8. Qorraxdu inay maalinta xukunto, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

9. Dayaxa iyo xiddiguhuna inay habeenka xukumaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

10. Kan Masar curadyadii ka laayay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 136