Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 135:1-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbiga ammaana. Ammaana magaca Rabbiga, Rabbiga addoommadiisow, isaga ammaana,

2. Kuwiinna guriga Rabbiga Iyo barxadaha guriga Ilaaheenna dhex taaganow.

3. Rabbiga ammaana, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, Magiciisa ammaan ugu gabya, waayo, wuu wacan yahay.

4. Waayo, Rabbigu reer Yacquub nafsaddiisuu u doortay, Hantidiisa gaarka ah ayuu u doortay reer binu Israa'iil.

5. Waayo, waan ogahay in Rabbigu weyn yahay, Iyo in Sayidkeennu ka wada sarreeyo ilaahyada oo dhan.

6. Rabbigu wax alla wixii uu jeclaystayba wuu ku sameeyey Samada iyo dhulka, iyo badaha iyo moolalka oo dhan dhexdooda.

7. Isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, Roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, Oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.

8. Isagaa laayay curadyadii Masar, Kuwii dadka iyo kuwii duunyadaba.

9. Masaray, isagu wuxuu dhexdaada u soo diray calaamooyin iyo yaabab, Oo wax buu ku soo kor daayay Fircoon iyo addoommadiisii oo dhanba.

10. Wuxuuna laayay quruumo badan, Oo wuxuu dilay boqorro xoog badan, kuwaas oo ahaa

11. Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, Iyo boqortooyooyinkii reer Kancaan oo dhan,

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 135