Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 122:2-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Yeruusaalemay, cagahayagu Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda,

3. Yeruusaalem waxaa loo dhisay Sida magaalo isku wada dheggan,

4. Halkaasay qabiilooyinka, oo ah qabiilooyinka Rabbigu kor ugu baxaan Inay Israa'iil u marag furaan, Iyo inay magaca Rabbiga ku mahadnaqaan.

5. Waayo, waxaa yaalla carshiyo garsoorid loo dhigay, Waana carshiyadii reerka Daa'uud.

6. Yeruusaalem nabad ugu duceeya. Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan.

7. Nabadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda, Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 122