Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 119:60-79 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

60. Waan u degdegay, oo kama aan raagin Inaan amarradaada dhawro.

61. Waxaa isku kay duudduubay xadhkihii kuwa sharka leh, Laakiinse sharcigaaga ma aan illoobin.

62. Waxaan kici doonaa habeenbadhka inaan kugu mahadnaqo, Waana xukummadaada caddaaladda ah daraaddood.

63. Anigu waxaan wehel la ahay kuwa kaa cabsada oo dhan, Iyo kuwa amarradaada dhawraba.

64. Rabbiyow, dhulka waxaa ka buuxda naxariistaada, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

65. Rabbiyow, anoo addoonkaaga ah waxaad iila macaamilootay Si wanaagsan oo eraygaaga waafaqsan.

66. Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.

67. Intaan lay dhibin ka hor ayaan ambaday, Laakiinse haatan eraygaaga waan dhawraa.

68. Waad wanaagsan tahay, oo wanaag baad samaysaa, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

69. Kuwa kibirka lahu been bay iga sheegeen, Aniguse amarradaada ayaan ku xajin doonaa qalbigayga oo dhan.

70. Qalbigoodu wuu qallafsanaaday, Aniguse waxaan ku farxaa sharcigaaga.

71. Waa ii wanaagsanayd in lay dhibo, Si aan qaynuunnadaada u barto.

72. Sharciga afkaagu waa iiga sii fiican yahay Kumanyaal dahab iyo lacag ah.

73. Waxaa i sameeyey oo i qabanqaabiyey gacmahaaga, Haddaba i sii waxgarasho aan amarradaada ku barto.

74. Kuwa kaa cabsadaa way i arki doonaan, wayna farxi doonaan, Maxaa yeelay, waxaan rajo ku qabay eraygaaga.

75. Rabbiyow, waan ogahay in xukummadaadu ay xaq yihiin, Iyo inaad aaminnimo igu dhibtay.

76. Waan ku baryayaaye raxmaddaadu ha ii noqoto qalbiqaboojin Si waafaqsan eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay.

77. Naxariistaadu ha ii timaado si aan u noolaado, Waayo, waxaa iga farxiya sharcigaaga.

78. Kuwa kibirka lahu ha ceeboobeen, waayo, si gardarro ah ayay igu afgembiyeen, Aniguse waxaan aad uga fiirsan doonaa amarradaada.

79. Kuwa kaa cabsadaa ha ii soo noqdeen, Oo waxay ogaan doonaan markhaatifurkaaga.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 119