Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 119:48-57 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

48. Oo weliba waxaan gacmaha u hoorsan doonaa amarradaada aan jeclaaday, Oo aad baan ugu fiirsan doonaa qaynuunnadaada.

49. Xusuuso eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay, Oo aad igu rajo gelisay.

50. Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay, Waayo, eraygaagaa i soo nooleeyey.

51. Kuwa kibirsan aad bay iigu qosleen, Laakiinse sharcigaaga kama aan leexan.

52. Rabbiyow, tan iyo mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada, Waanan isqalbi qaboojiyey.

53. Aad baan u xanaaqay, Waana kuwa sharka leh oo sharcigaaga ka tegey aawadood.

54. Qaynuunnadaadu waxay ii ahaayeen heeso Markaan ku jiray gurigii aan socotada ku ahaa.

55. Rabbiyow, habeenkaan magacaaga soo xusuustay, Oo sharcigaagaan dhawray.

56. Taasu waa ii ahaatay, Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.

57. Rabbigu waa qaybtayda, Oo anigu waxaan idhi, Waxaan dhawrayaa erayadaada.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 119