Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 119:18-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. Indhahayga fur Si aan waxyaalo yaab badan sharcigaaga uga arko.

19. Socotaan dhulka ku ahay, Haddaba amarradaada ha iga qarin.

20. Naftaydu waxay u xiisootay Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.

21. Waxaad canaanatay kuwa kibirsan oo inkaaran, Oo amarrada ka leexda.

22. Cay iyo ceeb iga fogee, Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,

23. Oo weliba amiirraa fadhiistay oo wax iga gees ah ka wada hadlay, Laakiinse anoo addoonkaaga ah aad baan uga fiirsaday qaynuunnadaada.

24. Markhaatifurkaagu waa waxa iga farxiya, Waana lataliyayaashayda.

25. Naftaydu waxay ku dhegtaa ciidda, Haddaba ii noolee si eraygaaga waafaqsan.

26. Waxaan kuu sheegay jidadkaygii, oo adna waad ii jawaabtay, Bal qaynuunnadaada i bar.

27. Jidka amarradaada i garansii, Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 119