Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 119:125-144 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

125. Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii, Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.

126. Waa wakhtiga aad shaqayn lahayd, Rabbiyow, Waayo, sharcigaaga way buriyeen.

127. Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.

128. Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan, Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.

129. Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay, Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.

130. Erayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa, Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.

131. Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday, Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.

132. Ii soo jeeso, oo ii naxariiso, Sidaad kuwa magacaaga jecel u samaysid.

133. Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga, Oo dembina yaanu ii talin.

134. Dadka dulmigiisa iga bixi, Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.

135. Anoo addoonkaaga ah wejigaaga iigu iftiimi, Oo qaynuunnadaada i bar.

136. Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah, Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.

137. Rabbiyow, xaq baad tahay, Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.

138. Markhaatifurkaaga waxaad ku amartay xaqnimo Iyo daacadnimo oo dhan.

139. Waxaa i baabba'shay qiirada aan kuu qabo, Maxaa yeelay, cadaawayaashaydu waxay illoobeen erayadaada.

140. Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay, Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.

141. Anigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa, Laakiinse amarradaada ma illoobo.

142. Xaqnimadaadu waa xaqnimo weligeed sii waaraysa, Oo sharcigaaguna waa run.

143. Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.

144. Markhaatifurkaagu weligiisba waa xaq, Haddaba waxgarasho i sii, oo anna waan sii noolaan doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 119