Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 119:105-114 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

105. Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyinkaygana iftiin.

106. Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.

107. Aad iyo aad baan u dhibaataysnahay, Haddaba Rabbiyow, igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.

108. Rabbiyow, waan ku baryayaaye, aqbal qurbaannada ikhtiyaarka ah oo afkayga, Xukummadaadana i bar.

109. Naftaydu had iyo goorba waxay ku jirtaa khatar, Habase yeeshee sharcigaaga ma illoobo.

110. Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin, Laakiinse amarradaada kama aan amban.

111. Markhaatifurkaaga waxaan u qaatay sida dhaxal weligiis waaraya, Waayo, kaasu waxa weeye waxa qalbigaygu ku reyreeya.

112. Qalbigayga waxaan u jeediyey inaan qaynuunnadaada oofiyo, Tan iyo weligay iyo ilaa ugu dambaysta.

113. Waan necbahay kuwa labada qalbi leh, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.

114. Waxaad tahay gabbaadkayga iyo gaashaankayga, Oo waxaan rajo ku qabaa eraygaaga.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 119