Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 118:19-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. Irdaha xaqnimada iga fura, Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahadnaqi doonaa.

20. Tanu waa iriddii Rabbiga, Oo waxaa geli doona kuwa xaqa ah.

21. Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay, Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.

22. Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.

23. Tanu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga.

24. Tanu waa maalinta Rabbigu sameeyey, Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.

25. Rabbiyow, waan ku baryaynaaye, haatan na badbaadi, Oo waan ku baryaynaaye, Rabbiyow, haatan barwaaqo noo soo dir.

26. Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Waxaannu idinka ammaannay guriga Rabbiga.

27. Rabbigu waa Ilaah, oo wuxuu na siiyey iftiin, Allabariga xadhko ku xidha tan iyo meesha allabariga geeseheeda.

28. Waxaad tahay Ilaahay, oo anna waan kugu mahadnaqi doonaa, Waxaad tahay Ilaahay, oo waan ku sarraysiin doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 118