Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 118:12-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Waxay ii hareereeyeen sida shinni oo kale, oo iyaga waxaa loo demiyey sida dabka qodxanta oo kale, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.

13. Adigu aad baad igu mudday si aan u dhaco aawadeed, Laakiinse Rabbigaa i caawiyey.

14. Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.

15. Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.

16. Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.

17. Anigu ma dhiman doono, laakiinse waan noolaan doonaa, Oo waxaan sheegi doonaa shuqullada Rabbiga.

18. Rabbigu aad buu ii edbiyey, Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.

19. Irdaha xaqnimada iga fura, Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahadnaqi doonaa.

20. Tanu waa iriddii Rabbiga, Oo waxaa geli doona kuwa xaqa ah.

21. Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay, Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.

22. Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 118