Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 116:4-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga, Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi.

5. Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq, Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay.

6. Rabbigu kuwa garaadka daran wuu dhawraa, Hoos baa la ii soo dejiyey, kolkaasuu i badbaadshay.

7. Naftaydoy, nasashadaadii ku noqo, Waayo, Rabbigu wax badan oo wanaagsan buu kuu sameeyey.

8. Waayo, naftayda waxaad ka samatabbixisay dhimasho, Indhahaygana ilmo, Cagahaygana kufid.

9. Waxaan ku socon doonaa Rabbiga hortiisa Anigoo dhex jooga dalka kuwa nool.

10. Waan rumaysnaa, oo markaan hadlay Aad baa la ii dhibay,

11. Anigoo degdegsan baan waxaan idhi, Dadka oo dhammu waa beenaalayaal.

12. Bal maxaan Rabbiga uga celiyaa Waxyaalihii uu ii taray oo dhan?

13. Waxaan qaadan doonaa koobka badbaadada, Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.

14. Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda.

15. Rabbiga hortiisa dhimashada quduusiintiisa Ayaa qiimo weyn ku leh.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 116