Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 115:9-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Reer binu Israa'iilow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.

10. Reer Haaruunow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.

11. Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.

12. Rabbigu aad buu inoo xusuusnaa, wuu ina barakayn doonaa, Reerka Israa'iilna wuu barakayn doonaa, Reerka Haaruunna wuu barakayn doonaa.

13. Wuxuuna barakayn doonaa kuwa Rabbiga ka cabsada, Yar iyo weynba.

14. Rabbigu aad iyo aad ha idiin kordhiyo, Idinka iyo carruurtiinnaba.

15. Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka Ayaa idin barakeeyey.

16. Samooyinku waa samooyinkii Rabbiga, Laakiinse dhulka wuxuu siiyey binu-aadmiga.

17. Kuwii dhintay Rabbiga ma ay ammaanaan, Kuwa hoos ugu dhaadhaca meesha aamusnaantana ma ay ammaanaan isaga,

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 115