Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 11:3-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Haddii aasaaska la dumiyo, Kan xaqa ahu bal muxuu samayn karaa?

4. Rabbigu wuxuu ku jiraa macbudkiisa quduuska ah, Rabbiga carshigiisu wuxuu yaal samada, Indhihiisu way eegaan, oo indhihiisa daboolkooduna way imtixaamaan binu-aadmiga.

5. Rabbigu waa tijaabiyaa kii xaq ah, Laakiinse kii shar leh iyo kii dulmi jecelba naftiisu way neceb tahay.

6. Kuwa shar leh wuxuu ku soo kor daadin doonaa dabinno, Oo qaybta koobkooduna waxaa weeye dab iyo baaruud iyo dabayl hanfi ah.

7. Waayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay, Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 11