Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 107:28-38 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

28. Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban, Oo isna wuxuu ka soo bixiyaa dhibaatooyinkooda.

29. Wuxuu dejiyaa duufaanka, Si ay hirarkiisu u xasillaan.

30. Way farxaan, maxaa yeelay, way xasilloon yihiin, Oo sidaasuu iyaga ku keenaa marsada ay doonayaan.

31. Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!

32. Iyagu ha ku sarraysiiyeen shirka dadka dhexdiisa, Oo ha ku ammaaneen fadhiga odayaasha.

33. Isagu webiyo wuxuu u beddelaa cidlo, Oo ilo biyo ahna wuxuu u beddelaa dhul oommane ah,

34. Oo dhul barwaaqaysanna wuxuu u beddelaa lamadegaan cusbo leh, Oo waana kuwa halkaas deggan xumaantooda aawadeed.

35. Cidlada wuxuu u beddelaa balli biyo ah, Oo dhul engeganna wuxuu u beddelaa ilo biyo ah.

36. Oo halkaasuu kuwa gaajaysan dejiyaa, Si ay u samaystaan magaalo ay degaan,

37. Oo ay beeraha u abuurtaan, oo ay beero canab ah u beertaan, Oo ay u helaan midho tiro badan.

38. Oo weliba iyaga wuu barakeeyaa, sidaas daraaddeed aad bay u tarmaan, Oo weliba uma uu oggolaado in xoolahoodu yaraadaan.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 107